Site icon Daruur درور

Xishoodka iyo cabsida dhaxgalka dadka

Su’aasha:

Asc daruur aad baa umahansantiin la talinnta dadka aad latatalineesiin aniga waxa ahay qof oo wajiga findoob ugu soo baxay waa ka cabsadaa oo aan ka xishooda dhaxgalka dadka in la hadlo marka saameyn maku leedahay fiminka wajiga talo isiiya si aan udhaxgalo dadka iyo iskaga baabiyo fimanka waayo ani waxaa isleeyahay waxa kuu keenay hadal ka aanta waa fimanka talo fiican isiiyaa.

Xishoodka iyo cabsida dhaxgalka dadka
Xishoodka iyo cabsida dhaxgalka dadka

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa wixii Alle kuu keenay oo jirro ah ama wax kale inaadan kala xishoonin dadka wax ceebna kuguma aha arrintaas, waa inaad ku kalsoonaataa naftaada, qof kaste dunida ku nool ceeb buu leeyahay ma jiro qof dhammaystiran, teeda kale ma aha finka wejiga wax ceeb kuusoo jiidaya, waa jirro fudud oo aad iska daaweyn karto, webka daruur waxaad ka heli kartaa siyaabo badan loo daaweyn karo fin doobka, laakin waxaa muhimsan inaad naftaada ku kalsoonaato oo aadan ka fikirin dadka hadalkooda, way dhici kartaa dadka doqomada ah inay qofka jirro ku caayaan, tusaale ahaan qof il la’ ama qof carrab goje ah ama qof jiis ah inay dadka si xun wax uga sheegaan, laakin waxaa laga rabaa dadkaas inay aaminaan in Alle ku imtaxaanay waxaas oo cid kaste ay ku dhici karaan, marka kana fogow dadka xunxun oo aflagaadada badan, ee ka dhigo saaxiibo dadka wanaagsan.

Exit mobile version