Site icon Daruur درور

Xayawaanka waraabaha jirkiisa see isugu badalaa lab kola dhadig

Su’aasha:

Asc wan idin salamay bahda darur waxan idinwaydinaya xayawanka warabaha ladhaho waxay dinta shegtay in oo isbadalo mar lab ahado wax dhali marna dhadig uraysan oo dhali habka isbadalka jirkisa fahfahin igasiya mahadsanidin

Xayawaanka waraabaha jirkiisa see isugu badalaa lab kola dhadig
Xayawaanka waraabaha jirkiisa see isugu badalaa lab kola dhadig

Jawaabta:

Waraabaha ama dhurwaaga afka carabiga waxaa lagu dhahaa الضبع ingiriiskana waxaa la dhahaa Hyena, soomaalida qaar yeyda ayay dhahaan waraabe, taasna sax ma aha, yeyda afka carabiga waxaa la dhahaa ذئب ingiriiskana wolf

Yeyda waa midda quraanka sheegay Alle wuxuu yiri asoo ka hadlaya qisada nabi yuusuf:

(قَالُوا يَا أَبَانَا إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَاعِنَا فَأَكَلَهُ الذِّئْبُ ۖ وَمَا أَنتَ بِمُؤْمِنٍ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَادِقِينَ) ‎

(Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba Run sheegnee)

Marka waraabaha ama dhurwaaga waxa laga sheego inuu marna lab noqdo marna dheddig noqdo waa hadal khuraafaad ah wax sax ma aha, taas waxaa keenay dheddiga waraabaha waxay leedahay farji (dhasho) u eg xubinta labka waraabaha, heer dadka qaar cilmibaareyaasha ay u qaateen waraaaha sanad inuu noqdo lab sanadna dheddig.

Marka hadalka aad sheegtay diinta ma sheegin quraankana ma sheegin xadiiskana kuma soo aroorin, marka aadan ofeyn diinta ha u riirinin.

Hilibka dhurwaaga mala cuni karaa

Exit mobile version