Site icon Daruur درور

Xarafka E siduu dhawaaqa iyo macnaha u badalo afka ingiriiska

Qofka marka uu af baranayo waxaa laga rabaa inuu si fiican u eego xarfaha iyo qaabka loogu dhawaaqo.

Xarafka E siduu dhawaaqa iyo macnaha u badalo afka ingiriiska
Xarafka E siduu dhawaaqa iyo macnaha u badalo afka ingiriiska

Afka ingiriiska wuxuu ka mid yahay afafka adag xaga dhawaaqa, xarfo badan ayaad arkaysaa  kala duwan xaga dhawaaqa.

Xarfaha qaar si toos ayay isku badalaan marka ay la dersaan xarfo gaar ah.

Marka halkan waxaan tooshka saaraynaa xarafka E oo dhawaaqiisa isbaddala  marna la jiido marna la leexiyo.

Halkan ayaad ka baran kartaa ereyada qaar oo xarafkaas si kale loo adeegsanayo, waxaana loo tarjumay ereyada af soomaali.

Ereyga

Dhawaaqa

Tarjamada Soomaaliga

car

kaar

gaari

care

keer

daryeel

fate

feet

qaddar

fat

faat

cayilan

rate

reet

heer

rat

raat

jiir

tube

tiyuub

tuubo

tub

tab

dar

cute

kiyuut

qurux badan

cut

kat

jooyn

huge

hiyuuj

weyn

hug

hag

qoorgalin

Exit mobile version