Site icon Daruur درور

Xaaskayga hooyadeeda waxa na dhexmaray

Su’aasha:

xaaskayga hooyadeeda waa islaan aad u dhib badan mar kaste gabadheeda ayay dirdiraysaa meeshii la rabi lahaa inay ilaaliso mustaqbalkeena xaaskaygana waa gabar miskiin ah oo baarri ah oo jecel hooyadeeda intaas ayay ka faa’ideysanaysaa markaas ayay been ku daldalaysaa marka wax waba waan sameeyay si xun ayay ii aflagaadeysay waxay isgu sheegtay inaan ahay qof aan sharaf lahayn maxaan sameeyaa.

Xaaskayga hooyadeeda waxa na dhexmaray
Xaaskayga hooyadeeda waxa na dhexmaray

Jawaabta:

adduunka dhib lagama waayo waa nolosha sida ay tahay, soomaalidu waxay dhanaan gabar goorta la guursanayo geedkeeda ayaa loo gaatamaa taas oo laga wado in layska fiiriyo familka aad gabadha ka guursanayso hooyada iyo aabbaha iyo walaalaha waa muhim, waayo marka aad guursato dadkaas waxay kuu noqonayaan sokeeyeyaal oo kuu dhow, marka hadday xun yihiin xumaantaas adiga ayay kusoo gaaraysaa, tusaale ahaan, nin xun oo dilaa ah oo tuug ah ama muuryaan walashiisa marka aad guursato nnkaas sow uma noqonayo  abti caruurtaada.

marka hadda waxaa kuu fiican inaad gabadha aad qabto meel ka fog inaad geyso islaantan dhibka badan adoona aan dulminin oo aan aflagaaddeynin kasoo qaad hooyadaada oo kale inay tahay, haddii aysan kuu suurtagalaynin runta u sheeg haddii ay arrinkaan ka istaagi weydo inaad tallaabo qaadayso si ay u ogaato oo ay u cabsato. waliba waxaa fiican inaad akhyaar soo galiso sheekada si ay arrinta dhab u noqoto illeen dadka qaarkii ma baqaan marka arrinka meel fog uu gaaro mooyee.

mararka qaar damaca sodohda wuxuu gaaraa hadduu ninkeeda lacag leeyahay inay jahwareeriso si naag kale uusan u damcin, khiyaanada hablaha meel fog ayay gaarsiisan tahay

sodohda xun dhib weyn ayay u geysanaysaa guriga gabadheeda waxaa laga yaabaa inay dumiso.

Exit mobile version