Skip to contentSu’aasha:
Xaska awowgey waysada ma iga jabisa.
Xaaska awoowgey waysada ma iga jabisaaJawaabta:
Xaaska awoohaha waxay ka mid tahay maxaarimta ninka, awoohaha xagga aabbaha haka yimaado ama xagga hooyada, ninka wuxuu ula dhaqmaa sida habaryartiisa iyo eeddadiisa iyo walaashiisa oo kale wuu la safri karaa wuu la khalwoon karaa weysada kama jabiso, daliilka waa aayadda quraanka Alle wuxuu yiri:
(وَلاَ تَنكِحُواْ مَا نَكَحَ آبَاؤُكُم مِّنَ النِّسَاء)
(ha guursanina naagaha aabbayaashiina ay guursadeen)
Haddii guurkooda la reebay waxay la mid yihiin sida gabdhaha walaalaha aad tihiin oo kale, aabbayaasha waxaa soo galaya awoowayaashaada xataa hadday sii korreeyaan.