Xaaska adeerkay dumarka maxaariimta ah miyay kamid tahay
Su’aasha:
Asc walaalayaal, su aashayda waxaa waaye xaaska adeerkay dumarka maxaariimta ah miyay kamid tahay mise waa iga ajnabi oo waysada way iga jabinee
Xaaska adeerkay dumarka maxaariimta ah miyay kamid tahay
Jawaabta:
Xaaska adeerkaaga maxaarimta ka mid ma aha, waxay kaa tahay ajnabi waa inay kaa xijaabataa, maxaayeelay masoo galayso naagaha maxaarimta ay diinta inoo sheegtay.