Site icon Daruur درور

Webka Daruur.com xaguu ku yaalaa fadhigiisa?

Su’aasha:

Walaal waxaan ku xiranahay websitekiina mar walbana waxaan ka akhristaa qoraalada aad soo galisaan marka websiteku xaguu xarun ku leeyahay mideeda kale websitekiina ma qaataa dad qoraayo oo u baahan inay wax ku qoraan.

Webka Daruur.com xaguu ku yaalaa fadhigiisa?
Webka Daruur.com xaguu ku yaalaa fadhigiisa?

Jawaabta:

Walaal webka Daruur fadhigiisa waa meelo badan oo ay ka mid tahay Masar, qofkii raba inuu qoraal soo diyaariyo waa laga oggolaanaayaa si uu kaalin uga qaato waxtarka dadka soomaaliyeed meel kaste ay joogaan, qoraal nooc kaste ha noqdo mid diini iyo mid siyaasi iyo mid dhaqaale iyo mid caafimaad dhammaan waa laga oggolaanayaa, webka ayaa faafinaya magaciisaana loogu faafinayaa qoraalka uu soo qoro, waxaa shardi ah qoraalkaas inuu yahay mid aan meel kale lagsoo guurinin waa inuu ahaado qoraal qofka isaga leeyahay oo aan meel kale laga faafinin, sidoo kale qoraalka inuusan diinta ka horimaanaynin.

Qofkii raba inuu qoraal usoo diro webka Daruur wuxuu lasoo xiriiri karaa emailkan: daruursite@gmail.com

Exit mobile version