WAXAAN KURIYOODAY ANOO NIN MADAXWAYNE AH AROOSAY

Su’aasha:

ASC WALAL WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN TEENBA.

WALAL RIYADAN HALA ISOO FASIRO HADUU ALLE IDMO
WAXAAN KURIYOODAY ANOO NIN MADAXWAYNE AH AROOSAY KADIBNA WAXAAN QAADANAY DIYAARAD KHAAS U AH OO ISAGU WADAY AAD BAY U QURUXBADNAYD AKHTAR AYAY AHAYD KALARKEEDU KADIB ADEEG AYAAN KU DOONANAY MEEL AYAY DAGTAY WAAN KASOO DAGAY MEESHAN USOCDAY EE AAN RABAY INAAN WAX KASOO IIBSADO HORTEEDA OO ALBAABKA DHINICIISA AH WAXAA JOOGA AMA YAALA MASAS AAD U BADAN OO MADMADOW OO INTA DABADA LAYSKAGA WADA XIDHAY AAD LOO CIQAABAY DEEDNA FOOSTO DABADA LOO GALIYAY KORKA UNBAY LASOO JEEDAAN WAXAY RABAAN INAY I CUNAAN AMA XAGAYGA USOO YAACAAN LKN MA AWOODAAN OO DHAMAAN WAY ISKU WADA XODHAN YIHIIN FOOSTANA DABADAA LOO GALIYAY INATAAN EEGAY OO AAN ALBAABKII GALAY OO WAXAAN RABAY SOO QAATAY AYAAN SOO AG MARAY WAXAANNA IDHI ALAYLAHA SIFIICAN BAA LA IDIIN CIQAABAY DIYAARADII AYAANA SII KORAY OO WAAN TAGAY MEESHAAN U SOCDAY ALHAMDULILLAH

CAFWAN QORAALKU WUU YARA BATAYE.

WAXAAN KURIYOODAY ANOO NIN MADAXWAYNE AH AROOSAY
WAXAAN KURIYOODAY ANOO NIN MADAXWAYNE AH AROOSAY

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa wixii ay tilmaamaysay riyada kale aan kuu fasiray oo ahayd qoratada gubanaysay, laakin middan waxaa la socda in dadka cadowga kugu ah aysan gaaraynin dantooda waa masaska oo matalaya dadkaas, adigana waad ka badbaadaysaa, waliba waxaad helaysaa magac iyo jago sare ama nolol aad u sarraysa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More