Site icon Daruur درور

Waxaan ku riyooday ani iyo walaashay iga yar oo Maraykan aadnay

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wll waxaan ku riyooday ani walaashay iga yar oo maraykan aadnay diyaarad ayaan raacnay waxaana tagnay America markaan diyarada gadaganay nin tagsi wata oo somaliya naloosoo diraybaa naqaaday waxaana nasoo dhaweeyay gabdho aan aqaano guryo noockala ah oona waligay arkin nala geeyay waxaan guriga nala geeyay ku yaalay geed cagaaran oo qudhac u eg lkn aan ahayn qudhac oo aad u hoosbadan waxaana lahaa geedkaan wadan keena kama boxo aad baana u farax sanayn lacagta nalabarayay waxaana xusid mudan inaana waligay dibad ku fakarin wll iisoo fasir khayr ilhay haku siiyo.

Waxaan ku riyooday ani iyo walaashay iga yar oo Maraykan aadnay
Waxaan ku riyooday ani iyo walaashay iga yar oo Maraykan aadnay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal aad gali doontaan adiga iyo walaashaada wuxuuna noqon karaa isbadalkaas guur iyo jago sare iyo barwaaqo, safarka guud ahaan waxaa lagu fasiiraa isbadal nololeed qofka markuu safro nolol ka duwan ayuu galaa inta badan noloshiisa wuxuu galaa jawi ka baddalan jawiga uu kasoo baxay, marka geedka harka leh wuxuu tilmaamayaa barwaaqo riyada waa riyo baishaaro ah oo fiican.

Exit mobile version