Site icon Daruur درور

Waxaan ku riyoodaa hooyadey iyadoo i canaananaysa

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wad kumahadsantahiin inaad noofurteen qabatan su aalaha wll waxaan markasta igu soo noq noqota riyo hooyaday oo i canaan naysa mana jirto wax xumaano oo dhexdeena ka jira ani iyo hooyo waxaana ka mid ahay dadka ay isugu wanaagsan yahiin lkn waxaan ku riyoodaa iyadoo i canaananaysa wax ay igu cananayso magaranayo maxay noqo naysaa wll mahadsantahiin.

Waxaan ku riyoodaa hooyadey iyadoo i canaananaysa
Waxaan ku riyoodaa hooyadey iyadoo i canaananaysa

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan qaladaad adiga aad ku kacayso oo aadan ogeyn, canaanta hooyada waa digniin lagaaga digayo qalad, waxaa dhici karta inaad arrin samaynayso adiga ay kula fiican tahay laakin hooyadaada mowqif kale ay ka aaminsan tahay, dib isugu laabo eeg wixii kaa qaldan, si kaste riyada wax bay kaaga digaysaa.

Exit mobile version