Waxaa isku xiran dareenkayga iyo kaadidayda

Su’aasha:

Waxaan ahay gabar 4 bilood reer leh walina uur ma yeelan waxaa I haysta dhib taasoo ah in dareenkayga iyo kaadidu isku xirantahay mar walbo oo dareenkayga kaco kaadi ayaa I qabanaysa aadna ii xanuujinaysa waxaa laga yaabaa inaan dhawr mar soo kaadiyo inta galmadu socoto.
Markay dhamaatana anoo aad kaafi ii hayso inaan suuliga aado taas oo aanan ii suuroobayn inaan biyaha ig×u jiraan in cabaar ah
1.Maxaa keenaya kaadidaas badan ee qabanaysa khaasatan xilliga dareenkayga kacaba?
2. Kaadida aan markay hawshu dhamaato aan soo kaadinayo soo dhib kuma keeni karto uur qaadista?

Waxaa isku xiran dareenkayga iyo kaadidayda
Waxaa isku xiran dareenkayga iyo kaadidayda

Jawaabta:

Waxaa keena gabadha inay u baahato kaadi xiliga galmada socoto sababo badan waxaa ka mid ah:
In kaadihayska dhib ka jiro marka jug ay gaarto kaadida ay qabanayso, waxaa laga yaabaa xiliga galmada inay kaadida ka fakato.
Waxaa kaloo keeni kara kaadimareenka inuu ka jiro caabuq.
Waxaa kaloo keeni kara gabadha markay buuran tahay gaar ahaan marka baruur badan ay ka leedahay caloosha iyo gumaarka taas waxay keenaysaa inay cadaadiso kaadihayska oo marka gabadha ay xukumi weyso kaadida xiliga galmada socoto.
Waxaana ugu faahin in dhakhtar loo bandhigo arrintan si baarintaan loo sameeyo markaas daawo munaasib ku ah loo qoro.
Si arintaas loo khafiifiyo gabadha waxaa laga rabaa inay iska ilaaliso waxyaalaha kaadida keena inay cabto galmada kahor sidoo kale inay musqusha gasho intaysan bilaabin galmada, qaababka galmadana inay badasho.

Waxaa kaloo jira arrin naadir ah dumar oo biyo kaadi oo kale ka yimaada xiliga raaxada socoto.

Teeda kale biyaha hadday mar galaan meesha uur wuu imaan karaa xataa hadday soo noqdaan taas kuma xirna, sekano ayaa ku filan biyaha inay gudaha u galaan, haddii biyaha qeyb ka mid ah ay soo noqdoon taas ma diidayso in uur la helo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More