Site icon Daruur درور

Walaashey waxay ku riyootay aabe oo la dilayo

Su’aasha:

asc walalaha daruur aad ugu xiranahay keep going idin leeyahay een waxan rabay in riyadan laiifisiro aabaheyga isbuucan dhexdiisa ayuu soo iibiyay dhul uulahaa oo lacag badan uu kusoo iibiyay nolosheenana sidii hore waa kabadalantay alx lkn gabar iga weyn walashee ah ayaa waxee kuriyootay xaleey aabe oo la dilayo oo xabad lagu dilaayo ninka dilayana mooto fekon u kasoo dagana anaga dhan na dhaawac aanagarayo marka wlal iifasir adinkoo mahadsan waana welwelsanahay.

Walaashey waxay ku riyootay aabe oo la dilayo
Walaashey waxay ku riyootay aabe oo la dilayo

Jawaabta:

Riyadan waxaa lagu fasiraa in aabbahaaga dad uu wax la wadaagi doono waliba waxaa laga yaabaa lacagta inuu galin doono mashruuc, waxaa laga yaabaa hantidiisa dad kale inay ka faa’idaysan doonaan, riyada dil toos ah ma tusinayso ee waxaa laga wadaa dil macnawi ah, xagga maalka uu helay,  guud ahaan waxaa fiican inuu taxdar ka qabo dadka qaarkii uu shirko la noqonaya ama uu hanti ku aaminaya.

Exit mobile version