Walaalkey oo gabar aan la doonay aan ku riyooday

Su’aasha:

Waa ku salaamay walaal waxaana kaaga mahad celinayaa qaabka aad iigu macneyso riyooyinka aan kuu soo gudbisto marwalba waxaad iga mudantahay sharaf iyo cizi inkastoo aan aqoon waxaad tahay nin iyo naagba hadana waa ku mahadsantahay sidaad fariimahayga ugu soo jawaabto marwalba.

Walaal waxaan riyo ku arkay aniga iyo qoyskeyga oo aan gabar u dooneyno wiil walaalkey ah, oo la leeyahay gabadhu wey is jecelyihiin markaas meesha waxaa joogay dumar aan u fahmay inay gabadha la qaraabo ahaayeen ama is xigaan marka waxaa sidoo kale guriga jooga wadaad la leeyahay waa macalin asagana aan u fahmay inuu yahay ninkii soo quraan baray gabadha markaas doodii doonashada gabadha aa bilaabatay dumarkii joogay ayaa waxaa ku jirtay islaan iyadana qoyska ka mid ahayd Islaantii wey ogolaatay in gabadheeda la bixiyo balse macalinkii ayaa wuxuu soo bandhigay shuruudo u muuqday inuu lacag u baahanyahay markaas ka dib walaalkey iyo rag kale oo macalinka uu ku jiro ayaa gooni isugu baxay ayagoo hadalka doododa ku jira ayaan saakay ku soo toosay.

Marka walaal riyadaas ii fasira adinkoo mahadsan.

Walaalkey oo gabar aan la doonay aan ku riyooday
Walaalkey oo gabar aan la doonay aan ku riyooday

Jawaabta:

Waad ku mahadsan tahay kalsoonida, aniga nin ayaan ahay oo jaacamad dhigo waxaan haystaa darajada waxbarashada ugu dambaysa PhD waxaan ahay qofka sameeyay webkan soo dhowhow>

Riyada guud ahaan waxay tilmaamaysaa farxada iyo xaalad wanaagsan, sidoo kale walaalkaaga inuu xaqiijindoono danihiisa gaarka ah, iyo inuu guursan doono gabar qurux badan.
Riyada gabar la doonayo waa wax wanaagsan waa farxad iyo wanaag qoyskiisa uu gaari doono.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More