Wacelka magaca aabbaha ee baasaboorka loogu qorayo
Su’aasha:
walaal ilmaha wacelka ama kisiga qofba siduu u yaqaano haddii la rabo in loo sameeyo baasaboor magac aabe iyo awoowe sidee loogu qorayaa ileen aabihiisa lama yaqaanee ma u baan tahay qof inui kafaalaqaadoo oo uu siiyo magaciisa oo magcaas baasaboorka loogu qoro oo uu ku socdo maxaa xal ah fadlan jawaab ayan idinka sugayaa.

Jawaabta:
Cunugga ku dhashay sinada ama sharcidarrada isaga ahaan wax dambe kuma laha falka uu ka dhashay, mana habboona in lagu caayo, dambiga waxaa iska leh labada waalid oo sinada sameeyay, sidoo kale waxaa la mid ah midka kufsiga ku dhasho aabbaha kaligiisa ayaa dambiga qaadaya, illeen naagta la kufsaday wax dambi kuma laha sinada lagu sameeyay.
Wiilka ama gabadha aan aabbaha lahayn marka loo samaynayo aqoonsi ama baasaboor lama siin karo magac qof kale leeyahay, waayo diinta islaamka way reebtay qofka in loogu yeero magaca aabbihiisa magac aan ahayn.
Alle wuxuu yiri:
(ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّـهِ ۚ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوا آبَاءَهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ وَمَوَالِيكُمْ ۚ وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَا أَخْطَأْتُم بِهِ وَلَـٰكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ ۚ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)
(Ugu yeedha kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise, hadaydaan aqoonin aabayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo Sokeeyihiinna, Korkiinana dhib ma saara waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (ayaa laydin waydiin) Eebana waa dambi dhaafe Naxariista) rd
Laakin waxaa la samaynayaa arrin lagaga bixi karo mushkiladaas waxaa loogu yeerayaa aabbaha iyo awoohaha magacyo guud oo Alle addoon lagaga dhigayo sida Cabdullaahi ama Cabduraxmaan ama Cabulkariim ama Cabdulcasiis magacyadaas way badan yihiin waana magacyo aad u fiican, waxay ku dabaqmi karaan qof kaste waayo dadka oo dhan waa addoomaha Alle, sidaasna ilmaha waa loogu xaliyay dhibka haystay magacana ma aha wax been ah waayo aabbaha iyo awoohaba way qaadan karaan magaca la siiyay.
Magacyada wiilasha carabta oo fiifiican
A child born of adultery or illegitimate birth has no responsibility for the act in which it was born, and it is not appropriate to blame him, the crime belongs to both parents who committed adultery, and similarly, a child born of rape is only the father who bears the crime, because the woman who was raped is not guilty of the adultery committed.
When making an identity card or passport for a son or daughter who does not have a father, the name of another person cannot be given, because Islam forbids a person from being called by a name other than his father.
But a way to overcome this problem is to call the father and grandfathers by common names that make them servants of Allah, such as Abdullahi or Abdurahman or Abulkarim or Abdulaziz. These names are many and they are very good names. They can be applied to anyone because all people are servants of Allah. In this way, the problem that the child had is solved, and the name is not a lie because the father and grandfathers can also take the name that was given.
