Barashada luqadda iyo tarjumada labo ayay kala yihiin.
Sidoo kale qaamuus inaad kaalmaysato way dhici kartaa si aad uga ogaato macneyaasha uu yeelan karo ereyga.
Qaamuus labo af leh sida Qaamuus Carabi iyo Soomaali ama Qaamuus Soomaali iyo English hadba luqadda aad rabto inaad baarto.
Qaamuuska aad buu kuu anfacaa marka aad wax tarjumayso sahal buu kaaga dhigayaa tarjmada sidoo kale hubaal ayaad yeelanaysaa naska aad tarjumayso.
Halkaan tusaale af carabi iyo af soomaali eeg:
برعاية السيد الأستاذ الدكتور محمد عثمان الخشت رئيس جامعة القاهرة وفي إطار جهود الدولة المصرية في مواجهة أزمة فيروس كورونا المستجد، وانطلاقا من الدور العلمي الرائد لجامعة القاهرة في التعاطي مع المشكلات والأزمات ودراسة كافة أبعادها وتقديم حلول إبداعية لها
يعلن مركز تعليم اللغات الإفريقية-كلية الدراسات الإفريقية العليا _ جامعة القاهرة
عن عقد ورشة عمل أون لاين تحت عنوان: (لغة الخطاب الإعلامي الإفريقي وتأثيرها في تشكيل الرأي العام وتعزيز الوعي الجمعي”جائحة كورونا أنموذجا”).
وتدور الورشة حول المحاور الآتية:
1- خصائص اللغة المستخدمة في وسائل الإعلام الإفريقية في التعاطي مع جائحة كورونا.
2- آثار وتداعيات لغة الخطاب الإعلامي الإفريقي في التعامل مع أزمة كورونا
3- تصحيح مسار لغة الإعلام الإفريقي في مواجهة جائحة كورونا
4- آراء الجمهور في اللغة المستعملة في وسائل الإعلام الإفريقية بخصوص فيروس كورونا. بين القبول والرفض.
يشارك في الورشة متخصصون وخبراء في اللغات الإفريقية والإعلام الإفريقي من مختلف الجامعات المصرية والإفريقية.
* تعقد الورشة يوم الثلاثاء الموافق 30 يونيو 2020 عبر تطبيق webex في تمام الساعة العاشرة صباحا.
عميد كلية الدراسات الإفريقية العليا
رئيس مجلس إدارة المركز
أ.د.محمد علي نوفل
Abaabulkii Prof. Dr. Maxamed Cismaan Al-Khisht, madaxa Jaamacadda Qaahira, iyo qaabka ay ku socdaan dadaallada dowladda Masar si ay ula dagaallanto dhibaatada fayraska Koroona ee cusub
iyadoo laga duulayo doorka cilmiga ku dhisan ee Jaamacadda Qaahira ee la tacaalida dhibaatooyinka iyo dhammaan qaababka in la daraaseeyo oona loo keeno xal fiican
Xarunta Barashada Afafka Afrika oo raacsan – Kuliyadda Daraasaadka Afrika ee Sare ,Jaamacadda Qaahira waxay soo bandhigaysaa:
in la qabanayo aqoon-isweydaarsi khadka si toos loosoo marinayo cinwaankiisu yahay” Luqadda hadalka saxaafadeed ee Afrika iyo saamaynta ay ku leedahay qaabeynta ra’yiga dadweynaha iyo xoojinta wacyi-wadareed “Cudurka Karoona tusaale ahaan”
Aqoon isweydaarsiga wuxuu ku saabsan yahay arrimahan soo socda:
1- Waxyaalaha u gaar ah luqadda lagu isticmaalayo warbaahinta afrikaanka xagga wax ka qabashada cudurka Koroona.
2- Saamaynta iyo raadka ay ku yeelan karto luqadda hadalka saxaafadeed ee afrikaanka xagga ka hortagida dhibaatada koroona.
3- In la saxo qaabka luqadda warbaahinta Afrika oo lagaga hortagyo cudurka koroona.
4- aragtiyada dadweynaha oo ku saabsan luuqadda loo adeegsado warbaahinta Afrikaanka ee la xiriirta fayraska karoona . Inta u dhaxaysa oggolaanshaha iyo diidmada.
Aqoon isweydaarsiga waxaa kasoo qaybgalaya khubaro ku taqasusay luqadaha Afrika iyo warbaahinta Afrika oo ka kala socoda jaamacadaha kala duwan ee Masar iyo Afrika.
Aqoon isweydaarsiga waxaa la qabanayaa maalinta Talaadada, Juun 30, 2020, iyadoo la adeegsanayo Ablakeeshanka Webex, saacaddu markay tahay 10-ka subaxnimo.