Sugnaanta iyo isbadalka ee aragtida islaamka
بسم الله الرحمن الرحيم
Magaca ilaahay barakadiisa ayaan ku bilaabaynaa
Ilaahay isagaa mahad dhamaannteed iska leh .rusuulkana nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato iyo dhamaan ehelkiisa iyo saxaabadiisa , ilaahayaw adigaa xumaan ka dheer , cilmi ma lihin waxii aad na bartay mooyee ,adigu waxaad tahay ka cilmiga badan ee xikmada badan”
Sugnaanta & horu-marka islaamka
Islaamku waa Diin leh tiirar sugan iyo axkaam isla bedesha wakhtiga ,horu-marka caalamka kusoo kordhaya maaha mid ka hor imanaya Diinta islaamka balse islaamku isagaa dhiiri gelinaya horu-marka iyo is-bedelka.
Tiirarka sugan ee islaamku waa kuwo aan is bedelayn balse dhiiri gelinaya horu-marka iyo wixii faaiido iyo wax-tar u leh aadamaha,waxana muhima in lakala barto Diinta qodobada is bedelaya ee dhiiri gelinaya horu-marka iyo qodobada asaasiga ah ee aan is bedelayn.
Diinta islaamka waxa loosoo dejiyay dhamaan dadka, waxa loogu tala galay inay la jaan-qaado is-bedelka caalamka ilaa qiyaamaha ,maaha diin marnaba ka hor imanaysa horu-socodka iyo isbedelka dhacaya saacad kasta iyo wakhti kasta .
Ilaahay isagaa soo dejiyay Diinta islaamka ,is-bedelka caalamka iyo horu-marka socdaana waa mid ku imanaya xikmad iyo garashada alle ,waxana aan suurta gal ahayn inay is khilaafaan diinta alle iyo abuurkiisa dunidu.
Isbedelka maanta dunida guudkeeda ka dhacaya waxa loo baahan yahay Muslimiintu inay ka qayb qaataan, aduunka wax cusub iyo horu-mar aadamaha wax tar u leh kusoo kordhiyaan, iyagoo caabaduya rabigood, kana shiidaal qaadanaya tiirarka islaamka ee tilmaamaysa horu-marka loo baahan yahay ee ku dhisan xalaasha iyo ogolaanshaha rabi .
Kol hadii xiligan caalamku isu bedelayo degdeg iyo hore, waxa haboon fahmida Mawduucan islaamiga ah ee la xidhiidha isbedelka si loola jaan qaado isbedelka caalamka iyo si loo kala fahmo tiirarka islaamka ee sugnaanaya iyo kuwa isla bedelaya wakhtiga iyo horu-marka.
Sida dhabta ah islaamku waa diin dhiiri gelisa horu-marka iyo isbedelka , balse waxay ku salaysaa miisaan iyo waxaan dhib u keenayn dadka ,waxay ka digtaa horu-mar kasta oo dadka dhib u keenaya, shuruuda keliya ee islaamka ku xidho horu-markana waxa uu yahay dadka inaanu dhib u hor-seedin iyo kitaabka iyo sunnaha inaanu khilaafsanayn.
