Su’aalahan naagtayda kusaabsan jawaab iga siiya

Su’aasha:

Su’aasha kowaad.
1. Naagtayda hadaanan rabin inay uur qaado biyaha makasoo bixin karaa (withdraw). Haday sabab jirto iyo hadii kaleba.
2. Ayadoosa uur yar leh ma u tagi karaa xaaskayga.
3. Maxay diintu ka qabtaa (baashimaynta ) waxa la yiraahdo ama in labada lamaane ay afka~afka isu galiyaan.

Mahadsanid.

Su'aalahan naagtayda kusaabsan jawaab iga siiya
Su’aalahan naagtayda kusaabsan jawaab iga siiya

Jawaabta:

1- Haa way banaan tahay ninka inuu naagtiisa biyaha banaanka kaga daadiyo xadiis ayaa kusoo arooray oo Bukhaari wariyay.

Sabab iyo sabab la’aanba waa la oggol yahay, culimada qaar ayaa yiri qofka waxaa laga rabaa naagta inuu idin ka qaato waayo naagaha qaar raaxadooda waxay ku xiran tahay biyaha in lagu shubo.

Sidaa awgeed dhib ayay dareemaysaa marka lagasoo saaro oo banaanka lagu daadiyo.

2- Haa waad u tagi kartaa iyadoo uur leh xaaskaaga wax dhib ma laha xagga diinta iyo caafimaadkaba.

3- Diinta islaamka way u oggoshay ninka xaaskiisa inuu afka ka dhuuqo inuu dhunkado inuu fareeyo inuu naasaha ka salaaxo kuna raaxaysto jirkeeda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More