Site icon Daruur درور

Soonka waajibka si kas ah maloo furi karaa diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

Culimada qabta in xaaqada Soonka sibiso iyo kuwa leh majabiso ya xoog badan hadi aan Iska laqa Soonka maiga jabaya hadi aan soomanahay soon wajib ah manta soonkina ujabay miyan Iska cuni kara mise wa dambi hadi ruuxa soon wajib ah soomanyahay lakin bishii Ramadaan luguma jura gaajo udaremo sidas ukucuno dambigisa miyu noqonaya nin bishii Ramadaan wax cunay ee layiri hadi inta unoolyahay usoomo dambigas magudi karo miyuu lamid noqonaya mahadsanid

Soonka waajibka si kas ah maloo furi karaa diinta maxay ka qabtaa
Soonka waajibka si kas ah maloo furi karaa diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Xaakada haddii si kas ah loo laqo soonka way jabisaa siiba midda badan taas ayaa xoog badan, haddii soonka uu yahay bisha ramadaan oo uu qofka kas u jabiyo soonka waa soo qalaynayaa mana cunayo ilaa laga gaaro afurka, haddii uu soon waajib qala iwm. uu sooman yahay oo aan lagu jirin bisha ramadaan oo uu iska furo soonka la mid ma aha midka ramadaanka oo kale wuu soo qalaynayaa kaliya maalin kale.

Maxaayeelay bisha ramadaan xurmad gaar ayay leedahay oo aysan laheyn bilaha kale.

Dambi aan laga towbad keeni karin ma jiro sidaas ogow hadalka dambe aad sheegayso wax sal ah ma laha.

Exit mobile version