Site icon Daruur درور

Waxyaalaha halleeya ilkaha carruurta

Su’aasha:

waxan rabaa inaan ogaado cunug yar 5 jir ah ilka oo dhan ayuu ka madoobaaday oo way burbursan yihin qof ayaa igu yiti waxaa sabab u ah macmacaanka siiba sonkorta aad ilmaha siinayso mar walba marka waxan rabaa inaan ogaado ilkaha sonkorta ma dhibtaa fadlan jawaab.

Waxyaalaha halleeya ilkaha carruurta
Waxyaalaha halleeya ilkaha carruurta

Jawaabta:

Caadi ahaan ilmaha da’dan ah ma aha inay ilkaha ka hallaabaan, marka waxaa jira sabab keenay arrinkan, sookorta kaalin way ka qaadataa inlaka inay raad ku yeelato oo ay suus galiso iyo bulunbuli, laakin taas kaliya sidan ma yeelli karto ilmahan yar, waxaa laga yaabaa jirro kale inay tahay, waxaa habboon in baaritaan lagu sameeyo ilkaha ilmahan yar, waxaa dhici kara cudur kale inuu yahay waxa sidan yeelay.

Teeda kale waxaa fiican marka ilmaha ay cunaan macmacaan in isla markii ilkaha laga nadiifiyo si aysan ugu harin sonkorta ilkaha meelaha ay iska galaan, waayo sababaha ugu waaweyn ayay ka mid tahay sokorta waxa burburiya ilkaha oona keena ilkaxanuun.

Exit mobile version