Site icon Daruur درور

Sixirka qofka samaynaya ma gaal baa

Su’aasha

Waxaan rabaa inaan ogaado xukunka qof sixiroolaha, haddii qof sixir samaynaya aan arko ma gaaleysiin karaa walaalayaan jawaab ayaan idinka rabaa mahadsanidiin

Sixirka qofka samaynaya ma gaal baa
Sixirka qofka samaynaya ma gaal baa

Jawaabta

Sixirka waa denbi ka mid ah danbiyada waaweyn, taas layskuma khilaafsana, laakin su’aasha ah sixirka ma gaalnimo baa?

jawaabta waa sidatan: sixirka hadduu yahay nooca ay wato waxyaalo shirki ah sida shaydaan in la caabudo in xoolo loo qalo oo kale, ama marka uu bixinayo in la qaato, ama in lagu xadgudbo xuduudda Alle markaas wuxuu noqonayaa shirki taasna waa gaalnimo, laakin haddii sixirka uu yahay geedo oo laysku darayo sida qof daawo ama sun laysugu daray oo kale marka la siiyay,  markan wuxuu noqonayaa danbi weyn, laakin qofkaas gaal ma aha marka sixirka oo shirkigiga ayaa gaalnimo ah.

sidaas waxaa qaba Imaam Shaafici laakin imaam Axmed bin Xanbal wuxuu u arkaa sixirka oo dhan inuu yahay gaalnimo.

si kastaba ha ahaatee qofka sixiroolaha ma liibaano adduun iyo aakhiraba.

Alle wuxuu yiri:  (وَلَا يُفْلِحُ السَّاحِرُ حَيْثُ أَتَىٰ )  (Ma liibaano sixroolaha meel kasta uu yimaado)

Exit mobile version