Site icon Daruur درور

Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la’yahay ilaa maanta

Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la’yahay ilaa maanta

 

Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la'yahay ilaa maanta
Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la’yahay ilaa maanta
Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la'yahay ilaa maanta
Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la’yahay ilaa maanta
Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la'yahay ilaa maanta
Sirta Ikraan Tahliil Faarax loo la’yahay ilaa maanta

Soomaali waa wadan aan amaan ahayn xataa qofka dowladda ka shaqaynaya kama nabadgalo cidda uu u shaqaynayo.
Soomaali waa meel qofka laga disho jagada uu hayo haddii uu ku nool yahay meel beeshiisu ku yar tahay ama aysan jooginba.
Somaali waa duur oo dugaag dadow ay ku nooshay, gabadhan soomaaliyeed lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay ilaa hadda war aan laga haynin inay dhimatay iyo inay nooshahay waxaa jira dad badan oo aan laga hadlaynin iyada oo kale u maqan.
Ikraan Tahliil sida la sheegay waa gabar wax soo baratay maanta yaa dan ugu jirto in laga takhaluso? Way iska caddahay dadka la dhihi karo dadkaas ayaa dan ugu jirto.
Wax badan ayaa dadka ka qarsoon laakin dadka dabadhifka ah way og yihiin waxaan ula jeedaa dadka siyaasiyiinta oo u shaqeynaya dowladaha ay ka socdaan cadaan ama carab ama afrikaan.
Soomaali waligeeda sidan ayay ahayd lagamana yaabo inay toosto maxaayeelay ma aha dadka soomaaliyeed dad dantooda garanaya kaliya waa dad hunguri hayo, qof wasiir ayaad arkaysaa oo dad lacag ka qaadanaya oo tahriibinaya kaas oo kale maxaa lagu tirin karaa.
Marka Fahad Yaasiin kaligiisa ma aha dadka shaqeeya ee waxaa jira boqolaal isaga oo kale dowlad kale ay soo dirsatay si ay soomaali ugu sugnaato xaalkaas.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday muxuu u diiddan yahay in arrinaas la kashfiyo?! taas laftigeeda shaki ayay leedahay.

Beesha caalamka waxay keensatay dad aan ka fikiraynin danta shacabkooda waxaa usii dheer cudurka qabyaaladda oo lafaha ka galay dadka soomaaliyeed waa la wada og yahay Dani iyo Farmaajo hadalka dhex maray.

Hooyada dhashay Ikraan hadal way daashay ma arkaysid maanta qof u ordaya xaqiiqada in la kashfiyo, arrinta Ikraan waxay keentay in Rooble iyo Farmaajo isku dhacaan. Sir weyn ayaa ku hagoogan dhacdadan laakin Alle agtiisa wax qarsoomaya ma jiro.

 

Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay

Exit mobile version