Site icon Daruur درور

Siigadu Miyay Keentaa Ma Dhalaysnimo Toos Ah

Su’aasha:

Siigadu Miyay Keentaa Ma Dhalaysnimo Toos Ah Yacnii La Hubo

Siigadu Miyay Keentaa Ma Dhalaysnimo Toos Ah
Siigadu Miyay Keentaa Ma Dhalaysnimo Toos Ah

Jawaabta:

Siigada dhibaatooyin badan nafsi ayay leedahay oo qofka fikir iyo cabsi u keenaya, laakin dhalmada si toos ah uma reebi karto, laakin waxaa jirta arrin muhim ah, qofka marka uu iska badiyo siigada biyaha ka baxayo ma noqonayaan biyo adag oo tayo leh, biyahaas waxaa ka tayo badan xiliga biyabaxa kuwa adag oo ninka ku daahay, waxaa la dhahaa biyaha la gaaxiyay ayaa ka awood badan biyaha shahwada mar kaste qofka ka baxa, fursada uurka waxay u badan tahay ninka biyahiisa aan muddo bixin, biyahaasna waxaa lagu gartaa adkaan iyo badnaan.

 Raga qaar marka ay xaaskooda uurka ka daahdo oo dhakhtar ay u tagaan waxaa lagula taliyaa inay todobaad sugaan oo aysan galmo sameynin oo ay cunaan cuntooyinka u roon raga, markaas kadib ayay u tagayaan xaaskooda, taas waxaa laga wadaa biyaha ninka gaaxsan inay ka awood badan yihiin biyaha jileeca ah.

Laakin siigada toos uma keento dhalmala’aan.

Exit mobile version