Site icon Daruur درور

Siigada kadib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay

Su’aasha:

Walaal markaan siigada ku biyo baxo ka dib waxaa iga soo baxa dhidid badan kadib oon aad u daran ayaa i qabta arintaas maxay la xiriirtaa?

Siigada ka dib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay
Siigada ka dib dhidid iyo oon daran ayaan isku arkay

Jawaabta:

Qofka marka uu kacsado dhiiggiisa xoog ayuu u shaqeeyaa, taas waxay keenaysaa inuu jirkiisa dhidido sidoo kale dhididka wuxuu keenayaa oon, waayo waa biyo jirkaaga ka baxay, taas waxay dhici kartaa qofka marka uu adeegsado xoog, waa sida qof maanta oo dhan soo ordayay ama kubbad cayaarayay waa dhididaa waana oomaa qofkaas.

Meesha waxaa kaaga cad siigada inay jirkaaga kala baxayso tabar iyo awood badan, wayna ku daciifinaysaa, taas waxaa kuu sii dheer dhibka soo gaaraya xubinta taranka iyo maqaarka ku hagoogan iyo xididaha biyaha soo qaada.

Waxaa xal kuu ah inaad ka dheeraato siigada, waayo waad ka shallayn doontaa, markaad guursato.

Exit mobile version