Categories
News

Siduu ugu faafay xijaabka dalka soomaaliya daawo sawirada

Dadka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, waxaana ka mid ah tacliimaha Islaamka in haweeneyda Muslimka ahi ay ku dhaqanto xijaabka oona daboosha jidhka oo dhan.

Wakhtiyadii horena, haweenaha Soomaaliyeed ma ay ku dhaqmi jirin xijaabka, caadooyinkii hore ee Soomaalida waxay ahaayeen in haweeneydu xidhato dhumar u eg dharka haweenaha Hindiya.

Haweeneyda Soomaaliyeed waxaa dharkeeda ka muugi jiray qaybo ka mid ah jidhkeeda, sida garbaha, qoorta, mararka qaarkoodna dhinaca, qayb ka mid ah xabadka, iyo lugaha.

Laakiin dharkani wuxuu hadda ku haray oo keliya tuulooyinka fogfog ee baadiyaha iyo miyiga.

Taa beddelkeeda, waxaa isu beddelay dugsiyada Soomaaliyeed dugsiyo ka taxaddara xijaabka shareeciga ah ee dhammaystiran.

Xijaabku wuxuu ku faafay Soomaaliya ka dib burburkii taliskii madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, markaasoo culimada diinta ee Soomaaliya ay bilaabeen inay si xorriyad buuxda ah u faafiyaan tacliimaha Islaamka, iyagoo hore u awoodi waayay taas.

 

كيف انتشر الحجاب في الصومال

الشعب الصومالي شعب مسلم ، ومن تعاليم الإسلام أن تلتزم المرأة المسلمة بالحجاب الذي يستر جميع البدن.

وقديما النساء الصوماليات لم يكن ملتزمات بالحجاب، العادات والتقاليد الصومالية العتيقة كانت المرأة تلبس لباسا يشبه ألبسة نساء الهند.

كيف انتشر الحجاب في الصومال
كيف انتشر الحجاب في الصومال

كانت المرأة الصومالية يظهر من خلال لباسها بعض الأجزاء من جسدها، مثل كتفيها ورقبتها وأحيانا كشحها وجزء من صدرها وساقيها.

لكن هذا اللباس بقي الآن فقط في القرى النائية في البوادي والريف.

بل تحولت المدارس الصومالية إلى مدارس تهتم بالحجاب الشرعي الكامل.

انتشر الحجاب في الصومال بعد انهيار نظام الرئيس الأسبق محمد سياد بري، حيث بدأ علماء الدين في الصومال نشر التعاليم الإسلامية بحرية تامة قبل أن كانوا غير قادرين على ذلك.

 

 

Leave a Reply