Site icon Daruur درور

Shuruudda neefka udxiyada u degsan

Waa maxay udxiyo? Maxay tahay shuruudda loo dhigay neefka udxiyada ah?

udxiyo waa neef la gowraco maalinta ciidda carafo oo Ilaahay loogu dhowaada waa sunno mu’akkad ah culimada qaar ayaa waajib u arko.

Shuruudda neefka udxiyada u degsan
Shuruudda neefka udxiyada u degsan

Aaaydo badan ayaa tilmaamay udxiyada iyo hadyiga la gowraco xajka, quraanka kariimka meelo badan ayay uga soo arooreen.

Alle (SW) wuxuu yiri:

 

(لِّيَشْهَدُوا مَنَافِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَّعْلُومَاتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّن بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۖ فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ)

(inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah Xayawaanka nicmoolayda, ka Cuna Xaggeeda Quudiyana kan Dhibaataysan ee Faqiirka ah).

 

wuxuu kaloo yiri Alle (SW):

 

(وَالْبُدْنَ جَعَلْنَاهَا لَكُم مِّن شَعَائِرِ اللَّهِ لَكُمْ فِيهَا خَيْرٌ ۖ فَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ عَلَيْهَا صَوَافَّ ۖ فَإِذَا وَجَبَتْ جُنُوبُهَا فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرْنَاهَا لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ)

(Geela ama lo’da (Hadyada) waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba, Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan).

wuxuu kaloo yiri Alle (SW):

( فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ )
(rabigaaga u tuko waxna gowrac)

Aayaddan waxay sheegaan culimada mufasiriinta in laga wado udxiyada.

waxaa loo dejiyay shuruudo waana kuwan:

1- waa inuu yahay neefka la gowracayo mid ka mid ah xoolaha nimcooleyda loo yaqaano sida ariga iyo lo’da iyo geela.
2- waa inuu neefka gaaraa da’da loogu talaggalay inay ku ansaxdo udxiyada, idaha waxaa laga rabaa inuu gaaro 6 bilood ari cadkana waa inuu gaaraa sannad lo’dana waa labo sano geelana waa shan sano.
3- waa inuu neefka yahay mid ceeb aan lahayn ceebtaas waxay ka dhigaysaa mid aan loo oggolaanin in udxiyo ahaan loo qalo, neefka insha la’ udxiyo ma noqdo sidoo kale naafka jirran oo jirradiisu muuqato, sidoo kale neefka jiiska ah jiisnimadiisu ay muuqato sidoo kale neefka aad xayeesi u ah oo aan hilib lahayn, waayo waxaa loogu talaggalay in lagu quudiyo dadka masaakiinta ah.

Exit mobile version