Site icon Daruur درور

Shaqo la’aanta qofka iyo kacsiga maxaa ka dhexeeya?

Su’aasha:

Sxb waku salaamay wlhi nio ma shaqeeyi saasey tahay wiilasha wareega ma ihi oo badanaa markaan dan leeyahay ayaan dibada u baxaa marka kalana gurigaa joogaa waxaan isku arkaa hadaan guriga joogo kacsi xad dhaaf ah siiba xilliyada subixii markaasa saas ku siigeystaa hadana anigu waxaan ahay nin doob ah oo kaligiis guri ku nool wlhi meel laga shaqeeyo hadaan heli lahaa waan iska dhaafi lahaa oo waaka mashquuli lahaa marka ila taliya sxbyaalow xitaa webka Daruur.com hadii shaqo laga helaayo diyaara ahay please iisoo jawaaba.

Shaqo la'aanta qofka iyo kacsiga maxaa ka dhexeeya?
Shaqo la’aanta qofka iyo kacsiga maxaa ka dhexeeya?

Jawaabta:

Qofka wuxuu iskaga ilaalin karaa xumaanta inuu ku mashquulo wax fiican, qofka marka uu meel kaligiisa joogo xumaanta si sahlan ayuu ugu dhici karaa, shaydaankana wuu ka helaa kalinimada.

Marka ku dadaal inaad wanaag sameyso oo aad ka dheeraato xumaanta, wixii wax kuu taraya ku dadaal.

Quraanka akhri  sidoo kale ku dadaal inaad tukato salaadaha faradka iyo kuwa sunada ah Allana xus waxaa kaloo aad badisaa saliga nabiga (SCW).

Exit mobile version