Shahwada ragga sidee loo bacrimiyaa
Su’aasha:
Sxbw aanku weydiiye waxaan marwalba aragnaa iyadoo la leeyahay dumarka waxa lagu talaalay shahwada ninka ka dib sidaas bay caruur ku dhashay marka naagta shahwada lagu talaalaayo ma kii ninkeedii baa mise waa shahwo iibsan Oo sida dhiiga cml cusbitaalada loogu iibiyo marka sidee shahwada qof looga bacriminaa iyadoon hab galmo aysan jirin.

Jawaabta:
Qaabka shahwada ninka naagta loogu talaalo waa qaab cusub waagii hore ma jirin, waxaa lasoo qaadaa biyaha ninka waxaa lagu talaalaa ilmagaleenka haweeneyda habab badan ayaa jira loogu talaalo, mar naagta wixii lagasoo qaaday iyo wixii ninka ayaa hal meel laysugu keenaa ilaa ay isugu imaanayaan markaas ayaa naagta lagu shubaa.
Inta badan si dabiici ah uur uma imaan karo waxaa laga yaabaa ninka inuusan gaarsiin karin ama naagta inaysan caadi u qaadan karin, biyaha lagu talaalo waa biyaha ninkeeda, naagta haddii biyo kale lagu talaalo waa xaaraan cunaga wuxuu noqonayaa wecel.
Wadamada gaalada waxaa jira bangi lagu magacaabo bangiga shahwada nimanka, waxaa lagu keydiyaa manida raga lagsoo qaaday dumarka raba ayaa lagu shubaa iyadoon ninkaas xaas u ahayn xataa aysan aqoonin, taas waa dhaqanka gaalada, qof muslin ah taas ma sameyn karo.
The method of injecting a man’s sperm into a woman is a new method, it did not exist in the past, the man’s semen is taken and injected into the woman’s uterus. There are many methods for injecting it, once the semen taken from the woman and the man’s semen are brought together in one place until they meet, then the woman is injected.
Most often, pregnancy cannot occur naturally, perhaps the man cannot deliver it or the woman cannot take it normally, the injecting water is the husband’s semen, if the woman is injecting it with any other water, it is forbidden and the child will be a victim.
In infidel countries, there is a bank called the men’s sperm bank, it is stored in the semen taken from men and women who want it are injected without being married to that man or even knowing him, that is the practice of infidels, a Muslim cannot do that.
