Sababta wanka uu ugu garaaco madaxa geed ama darbi iyo daawada

Waligaa ma aragtay wan madaxiisa ku garaacayo geed ama darbi?
Haddaad sidaas ku aragto waxaad ogaataa inuu ku jiro sankiisa tixri oo ka dhasho gudaha sankiisa xagga maskaxda.
Wuxuu u keenaa cuncun daran.

Tixriga ku dhasha sanka ariga
Sababta wanka uu ugu garaaco madaxa geed ama darbi iyo daawada

Markaas wuxuu bilaabaa inuu madixiisa ku garaaco geedaha ama gidaarada.
Waxaa kaloo uu u keenaa handhiso joogto ah aan dhamaanin.
Iyo diif maantoo dhan sankiisa ka daadanaya.
Mar kaste wuu lulayaa madixiisa. Isagoo moodaya inuu ficnaanayo.
Waxaa usii dheer cuntada ayuu ka harayaa. Cunto badan ma cunayo.
Cudurkan waa la daaweyn karaa.
Waxaa jiro daawooyin lagu daaweyn karo.
Waana sahal marka la ogaado xilliga uu soo bilaabanayo.
Sida la og yahay jirrooyinka xoolaha waxay saameeyaan hilibka xoolaha iyo caanahooda.
Qofka xoolaha dhaqdo waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo caafimaadkooda.
Waayo hilibka iyo caanaha wax fiican baa laga helaa marka xoolaha ay caafimaad qabaan.
Hadda dunida wax badan ayaa lagu cayaaray.
Aadanaha wax badan buu ku xadgudbay.
Marka dadka xoolaha leh taas ha ogaadaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado waxtarka hilibka idaha inuu yahay midka ugu sarreeya hilbaha.

Barida idaha jirooyinka ay daaweyso

The reason why a sheep hits its head against a tree or wall and the remedy

Have you ever seen a sheep banging its head against a tree or a wall?
If you see it like that, you know that it has a tick in its nose that grows from the inside of its nose to the brain.
It causes severe itching.
Then it starts banging its head against trees or walls.
It also causes a constant, never-ending snoring.
And a snot that has been running from its nose all day.
It keeps shaking its head. Thinking that it is getting better.
In addition, it is missing food. It does not eat much.
This disease can be treated.
There are medications that can be used to treat it.
And it is easy when it is detected at the beginning.
As is known, animal diseases affect the meat and milk of the animals.
A person who raises animals is required to work hard for their health.
Because meat and milk are good when the animals are healthy.
Nowadays, there are many games in the world.
Humans have abused it a lot.
So let livestock owners know this.
It is also important to know that the benefits of sheep meat are the highest among meats.

Leave a Reply