Site icon Daruur درور

Riyo cajiib badan dumar ila socda iyo shinbir mas cunayso

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wll waxan ku riyooday ani iyo gabdho Mar hore isugu keen danbay say on meel magala ah oona garanayani dhex maraynay saan u soosoconay baan kusoo baxnay masaajid wayn oo gabdho wada xijaaban kujiraan xiyaabo culusbay qaba kujiraan wayna qaylinayeen niman macalimiina ayaa xadrada aysuufiyadu qaadaan barayay ani ayaana dhahay waxaani waa bidco ee mabanaana in dumarka codkooda lamaqlo waana dhaaf nay saan usoconay ayaa waxaa naga hor yimid biyo xoog u socdo iyo roob da aya magaladiina waan ka baxanay biyihii markaan soo gaarnay waxay ahaayeen biyo xoog usocda dhoobo na way lahayeen dhexda ayayna wado qalaaln nooga banaantay on cagaar yaryar ku yahoo waxana dhahnay ilahay ayaa wado noo baneeyay wàna dhaafnay waxaan aragnay shinbir dhasheeda Mas u soo qabatay oo siin rabta on qayb way liqday qaybna cunuhuu kaga mar mar may dhashuna afkay kusoo tagaysay iyagoo badan waxana lahayn cadowgeedii Bay soo qabatay waana dhaafnay haday fiicantahay wll iisoo fasir haday xuntahay ha ifasirin wll

Riyo cajiib badan dumar ila socda iyo shinbir mas cunayso
Riyo cajiib badan dumar ila socda iyo shinbir mas cunayso

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad mari doono marxalad adag oo fidno iyo dhibaato la socoto iyadoo sidaas ay tahay waxaad helaysaa jid aad kaga badbaaddo, marka ku dadaal diinta kana fogow dumarka qaar aan wanaagsanayn oo iska dhigaya inay wanaagsan yihiin, marka ugu dambaysa Ilaahay ayaa kaa qaban doono dadka cadowga ah.

Exit mobile version