asc waan idiin salamaya dhamadina. Waxa dhib igu hayaa 2 riyo kala ah kow libaax ila dagalamaayo..marna makulaal ama bisad oo ila jiifta mukulasha wey igu soo sexaneysaa iyadoo dhirir badan markaan soo kacana daaqada bey ka baxeysaa anoo u jeydo.fadlaan wan u bahana qeer allah idiinsiiyo wa bilaahi towfiiq.
Jawaabta
Libaaxa wax badan ayaa lagu fasiri karaa, waa inaad soo sheegtaa qaabka aad u aragtay, libaaxa wuxuu noqon karaa qof xoog badan , qof ah, sidoo kale oo madax ah oo dadka dulmiya, marka soo sheeg sida aad ku aragtay oo faahfaahsan.
teeda kale mukulaasha qaabka aad ku aragtay waxay tilmaamaysaa naag aan daacad ahayn, oo jacayl kuu muujinayso laakin been kuu sheegayso,