Riyada waditaanka baaskiil lala wadayo labo qof kale
Su’aasha:
Nin wuxuu arkay asagoo wadayo baaskiil ula socda labo kale, asaga gees buu xigaa , waxaana uga jiro koofi mid kasta madaxa, labada midkood kabixiyay koofiyada, kan kale marka ufahmay arinta jeebka gashtay koofiyadiisa, markay wada istaageen kii koofiyadiisa jeebka gashtay kore loo qaaday waala xambaaray asagoo leh ma quraacan idaah waala daayay maxay noqon kartaa?.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu imtaxaan mari doono laakin uu ka gudbi doono asoon dhib soo gaarin sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa damaca weyn oo qofkaas ku jiro iyo danta uu leeyahay inuu gaaro waana ku guulaysan doonaa marka ugu dambeyso, riyada waa riyo fiican.