Riyada Tahriibka Gariiga oo Turkiga loo marayo
Su’aasha:
Asc waxaan markii labaad ku riyoonayaan aniga oo u safray Turkiga oo Tahriib ugasii gudbay Gariiga waxaan saarnaa Gaari Bas ah aniga iyo dad badan waxaa Gaariga Nala saarnaa askar waxay naga Xigeen dhanka albaabka baska aniga waxaan isleeyahay waxay halkaas u fadhiyaan waa inay na celiyaan Marka aan baska ka dageyno markii dambe Askartii ayaa xaduudka na dhaafisay oo Gudaha Gariiga inaan galno noo ogolaatay Dadkii kalena ay geli waayeen waxaan dareemayey in si fudud aan ku gudubnay xuduuda aan ku galnay yurub
FG aniga waxaa igu jira Hami ah inaan halkaas u safro Riyooyinka safarka ah ee igu Soo noq noqonayo ma sheeko nafteyda ay isugu sheekeneyso miyaa mise waa riyo xag alle ka Socota.
