Site icon Daruur درور

Riyada sida loo fasirto may noqotaa

Su’aasha:

Asc waxaan maqlay in Riyada sida aad u fasirato Shar iyo qeyrba ay noqoto waxaa jiro riyooyin Laga gaabsado sheegistooda oo Laga duceysto hadii aad sheegtidna sida lagu fasiray noqonayo

Hadaba hadii aan wax xun ku riyoodo in aan qariyo ma xal bey iitahay hadii wanaag loo fasirose wanaag ma noqoneysaa mise waxaa jira riyooyinka si kasta oo aad wanaag u fasirto ama xumaan xaqiiqdooda aan baal mareyn.

Riyada sida loo fasirto may noqotaa
Riyada sida loo fasirto may noqotaa

Jawaabta:

Riyada xun waxaa la rabaa inaan la sheegin qofkana inuu Alle ka magangalo, teeda kale qofka hadduu riyo arko waxaa fiican inuusan u sheegin qof kaste kaliya qofka uu ku kalsoon yahay mooyee, maxaayeelay waxaa la dhahaa balada waxay la socotaa afka, qofka wixii loo saadiyo way dhici kartaa inay ku dhacaan afka khayr baa lasoo mariyaa qof xumaan kugu fasirayo hala aadin maxaayeelay niyadda ayuu kaa jabinayaa fikir iyo walwal ayuu kugu abuurayaa.

Arrinta aad sheegayso waxaa kusoo arooray xadiis oranaya:

(الرؤيا على رجل طائر ما لم تعبر، فإذا عبرت وقعت)

رواه أبو داود والترمذي وصححه، و ابن ماجه و أحمد

 (riyada waxay ku taagan tahay lug shinbireed intaan la fasirin haddii la fasiro way dhacaysaa)

waxaa laga wadaa qofka aqoonta u leh oo Ilaahay waafajiyay markuu fasiro way dhacaysaa, ee lagama wado qof kaste inuu fasirkiisa sax noqonayo.
Guud ahaan waa in layska ilaaliyaa riyada inaad lasoo degdegto wixii xun iska qari wixii ficanna sheeg.

Exit mobile version