Site icon Daruur درور

Riyada Safar Ardaynimo oo la igu adkeenayo

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday aniga oo Line safar Arday nimo xareysanayo Shahaadadeyda Dugsiga sare ayaan wataa waxaan joogaa meel aan umaleenayo in Lineka Arday nimada la iigu Apply gareenayo dad badan ayaan nahay Saf ayaana ku jirnaa Shahaadada ayaa nagala check garenayaa waxaa naga Checking meysa gabar fur furan oo dadka Si qosol leh usoo dhaweyneesa qofba meel ayuu usocdaa waxaa I agtaagan wiil Libya usocda anigana ma aqaan mesha aan usocdo safka ayaana ku jiraa Lkn inaan baxayo ayaan ogahay Gabadhii Marka aan Shahaadadeyda u dhiibay markiiba waxay igu tiri waankaa shakiyey Shahaadaada ma saxna hadana waxay iigu bedeshay qarax ayaad wadaa walaalow waxaaga waa kusiinayaa iga fogow gabar ayey iigu Soo dhiibtay Lineka Shahaadadeyda waxayna yareysay darajooyinkayga iigu qoran Shahaadaada anigana waan doodayaa waxaan leeyahay darajadeyda intaan way ka badan tahay markii dambe gabar iyadana fur fur oo aan umaleenayo inay igu ciyaareyso ayey usoo dhibeysaa gabadha waxay ileedahay lambarka hooyadaa iisheeg waan wacayaa anigana waxaan leeyahay ha I dhibin ee isii Shahaadadeyda jawiga Wuxuu u muuqdaan in la isiinayo wixii aan rabay hadana la igu adkeenayo.

Riyada Safar Ardaynimo oo la igu adkeenayo
Riyada Safar Ardaynimo oo la igu adkeenayo

Jawaabta:

Riyada waxay tusinaysaa in aad arrin ciriiri iyo dood kala kulmi doonto, waxaana soo dhow noloshaada inay isbadasho oo aad meel kale u dhoofto, khayr Ilaahay kaha dhigo, arrinta waxay la xiriirtaa waxbarasho.

Exit mobile version