Riyada roobka iyo balayga ama warta

Su’aasha:

Asc waad mahadsantihiin marwalba
Allah macak
waxaan ku riyooday aniga oo dhex jooga roobkoo da’aya oo saxansaxo udgoon leh
biyihiisana cabaaya
ayaan hadan roobka dhexsocdoo waxaan tagay meel geedo waawaynle oo barwaaqo ah oo uu roobkiina ku da’ayo
kabacdi waxaan hoos istaagay geed wayn waxaa geedka kasoo baxay waxad moodo tuunbo biyo ah oo biyo badan oo nadiif ahi kasocdaan anigay dushayda kusoo dhacayaan ana waanku maydhay sifiican anigoo faraxsan biyahana waxad moodaysay kuwo aanku raaxaysanayo
kabacdi biyiihii dhulkay qulquleen meel ii dhaw oon arkayo ayay fadhiisteen kabacdi waxad moodaysay balay wayn
balaygii ayaa waxaa yimid nin dharcad xidhan oo wada qof aan umaleeyay inuu aabihii yahay
oo uu garabka hayo waanu xanuunsanayay qofkaasi garabka lahayaa dirqibuu kusocdayo wuuluudayaa isagoo ninkalana garabka hayo
kabacdi biyii ayuu dhex galiyay oo uu ugu maydhay waxaa kasoo baxay biyihii ninkii odayga ahaa oo caafimaaday
markaasi ayaan idhi alxdlh intaan xaga sare eegay biyii soo burqanayay ayaan gartay biyuhu in ay caafimad yihiin waanku farxay
Allah mahadle.

Riyada roobka iyo balayga ama warta
Riyada roobka iyo balayga ama warta

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa bakaro iyo khayr badan oo xad aan lahayn, biyaha waa nolol, sidoo kale geedahana waxay tilmaamaan barwaaqo iyo aaran, marka riyada waa bishaaro waxayna u eg tahay riyooyinka badankooda aad soo qortay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More