Riyada qoorgalinta gabadha walaasha ah
Su’aasha:
Assalamu allaykum MR
Waxaan Ku riyooday anigoo Gabar walashay ah hab siiyay iyo Gabar kale oo South Africa Ku aqanay oo aan ahayn Somali oo ag fadhiday.
Riyada qoorgalinta gabadha walaasha ah
Jawaabta:
Riyada qofka marka uu hab siinayo walaashiisa waxay tilmaamaysaa inuu yahay qof garab istaagi doono oo wax siin doono oo u kaalmayn doono, waa riyo fiican oo wanaagsan. waxaa kaloo dhici karta inaad wax u tarto dad kale oo aan kula dhalanin siiba dumar ah.
Guud ahaan riyada waa riyo xiriirka familka iyo bulshada tilmaamaysa.
Qoorgalinta sidoo kale waxay tilmaamaysaa wanaagga iyo jacaylka idinka dhexeeya