Site icon Daruur درور

Riyada qofka oo cirro isku arkayo

Su’aasha:

Walaal waxaan ku riyoodey anigoo masaajid kudukadey kadibna marki aan kasoo baxay waxaan watey khamiis mana qaato hadda waxaan jeebka khamiiska kalasoo baxay shanlo iyo miyaarad marki aan isku fiiriyey miyaarada waxaan arkey cirro igu taalo waxaana is weydiiyey waqtiga ay iga soo baxdey ciradan kadib ayaan maskaxdeyda la hadlayaa oo waxaan dhahayaa “allaylahee fikirkan badan aad sameyso waaye waxa kaasoo bixiyey” marka maxaa lagu fasirikaraa riyadaaa.

Riyada qofka oo cirro isku arkayo
Riyada qofka oo cirro isku arkayo

Jawaabta:

Riyadan waxaa laga fahmayaa inaad noqon doonto qof haybad leh oo dadka ay qiimeeyaan, riyada cirrada wax badan ayaa lagu fasiraa laakin macnaha hadda laga fahmayo ayaa haybad iyo sharaf ah, sida qofka da’da ah loo qiimeeyo, taasna masjidka iyo labiska qiimaha badan ayaa xoojinaya, marka waa riyo wanaagsan.

Exit mobile version