Riyada qof magaalo kale tagay oo biyabaxay
Su’aasha:
Asc wllo
Asc wllo xalay waxan ku riiyooday anoo magaalo aan aqoonin jooga haddana an biyo baxay yacni anoo galmo sameynin baan arkay biyo bax iga imaaday wax dareen ah aysan jirin.
Jawaabta:
Haddii si dhab ah aad u biyabaxday riyada fasir ma laha, laakin haddii riyada dhexdeeda aad ku biybaxday waxay tusinaysaa riyadaada inaad heli doontid arrinta aad ku guda jirto wax kaste ay tahay, biyabaxa waa adoo gaaraya dantaada marka waa riyo fiican oo faraj ah, haddii deyn laguugu leeyahay deynta waad gudeysaa haddaad waxbarasho ku jirto waxbarashadaada way hirgalaysaa haddii aad guursato carruur ayaad helaysaa marka waa riyo wanaagsan.