Riyada qof asxaabta ah ama ehelka oo geeriyooday
Su’aasha:
riyada qof asxaabta ah ama ehelka ah oo geeryooday.
Jawaabta:
Qofka hadduu ku riyoodo asoo uu geeriyooday qof ehelkiisa ah ama saaxiibkiisa ah waxaa lagu fasiraa inuu ka bixi doono dhibka isaga haystay sidoo kale muragaha uu ku jiray inay dhamaan doonaan, haddii qofkaas dhimanayo ay colaad ka dhexaysay waxay tilmaamaysaa riyada colaaddaas inay heshiis ku dhamaan doonto.
Sidoo kale riyada dhimashada qof ka mid ah qaraabada waxay tilmaami kartaa qofka faqri iyo lacag la’aan inay ku dhacdo.