Riyada ninkeyga oo naag kale wax ku sameyn raba iyadoo damac ka leh
Riyada ninkeyga oo naag kale wax ku sameyn raba iyadoo damac ka leh
Su’aasha:
waxan ku riyooday naag ninkayga u timid oo ka doonayso kaalmo iyada iyo ninkeeda ayaa isoo dagaalay way u sharxaysaa ninkayga dhibka iyada haysto markay hadalka dhamayso dharka ayay iska dhigaysaa kastuumo kaliya ayay isku soo rebaysaa markaas ayay ninkayga u dhegdhegaysaa waxay ka rabaa inuu isagana dharka iska dhigo si ay u aragto asoo qaawan markaas buu dharkii iska dhigay way u dhwaatay waxay ursanaysaa jirkiisa barafuunka kasoo udgaya anagana waan la joogaa isagana ima qiimaynayo wuxuu dhahaa markaas aniga ayaa rabo xaaskayga inaan iska furo ee iyda ma aha qofta la furayo maxay tahay riyadan.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaaga inuu ku mashquuli doono shaqo adiga oo dhan inuu ku illaawi doono siduu u shaqayayo xiriirkiinana ma ahaanayo siduu ahaa markii hore aad is guursanayseen, waxaa kaloo dhici karta in dumar ay isku dayayaan inay gurigiisa ka dumiyaan, guud ahaan waxaa la rabaa in laga taxdaro wixii halis ah oo dumin kara gurigiina.