Asc waxaan arkay qof aqaano oo hore udhintay ,waxaan joognaa guri weynaan badan albaab weyn leh ,wuxuu wataa ninkan ul oo weligiisa qaadan jiray , wuu isoo raacaa anigana cabsi igu jirto aan socon karin , asagana isoo gaareen, maxay tahay?
Jawaabta:
Riyada waa digniin ka fogow wixii qalad aad ku jirto, sidoo kale waa inaad ku dadaashaa salaadda iyo cibaadada guud ahaan, intuusan waqtiga ku dhaafin.
Qof dhintay markuu ul kuu wato oo uu kusoo daba socdo waa digniin la xiriirta aakhiro iyo geerida marka camalka suuban ku dadaal iyo khayrka inaad sameyso.