Site icon Daruur درور

Riyada niman gabar kufsan rabaan oo saaxiibteeda shirqool ku samaysay

Riyada niman gabar kufsan rabaan oo saaxiibteeda shirqool ku samaysay

Riyada:

Asc sheekh
Waxaan ku riyooday aniga oo dhiganaya machad shareecadaa oo aan dhigan jiray hadda kohor markaan ka soo baxnay aniga iyo saaxiibtay ayay igu tiri ii raac kurigayaga markaaz ayaan raacay waxaan tagnay guri ka go an magaalada oo hal qol ah waxayna ii balamisay wiil si uu ii kufsado markaan arkay shirqoolka ay ii dhigtay iyo ninkii oo igu soo boodaya ayaan waxaan iska dhigay wax qalal ku soo booday markaa ayaan gurigii hoosta ka xidhay mise waaba niman badan oo albaabka igu soo jabinaya markay iisoo galeen ayaan akhriyay si kadisa حسبي الله ونعم الوكيل
Mise ninkasta meeshiisii ayuu ka dhaqaaqi waayay ana waan ka baxsaday meeshii markaa ayaan arkay hooyo 4 caruura wadata oon isku naqaanay tuulada aan ka soo jeedo markas ayaan ku iri isdhiibid taleefan hadda waa habeene aan wacee xaafadii aan la joogay markaan wacay waxaan rabay inaan ku dhoho caawo ma imaanayo la socda mise wuuba ka dansan yahay islaantii ayaa igu tiri na raac markaa waxaan soo raacnay gaari aanan waligay arag oo aan is iri waa gaari qadiimiya afkiisa hore usamaysan yahay sida maska iyagu waxay galeen shirka ana waxaan ku dul fariistay meeshii maska madixiisa usamaysnayd markaan islaanta gurigedii tagnay marba waxaan ku lahaa maanta wax mucjisaa ayaan arkay anigoo layaaban sidii allah iigu badbaadiyay dikrigiisa waxaan dabka saaray digsi aad u wayn waxaana ka buuxiyay biyo waxaana kudaray inyar oo baastaa heerkuna waxay karsadeen casho caadiya oo baastaa markaas ayaan ku iri maxaa wax iigu sheegi waydeen inta aan wax khasaarinayay iyagaana la cunay cashaday karsadeen

Wlhi ilaa hadda riyadaa kama baxdo qalbigayga sheekh isoo fasir allaha cimrigaaga ha raajiyee

Riyada niman gabar kufsan rabaan oo saaxiibteeda shirqool ku samaysay
Riyada niman gabar kufsan rabaan oo saaxiibteeda shirqool ku samaysay

Fasirka:

Riyada waa digniin culus waxaa lagaaga digayaa naag aad umalaynayso inay daacad tahay laakin hoos ay kaa neceb tahay.

Teeda kale waxaa lagugu boorrinayaa inaad ku dadaasho adkaarta oo aad ka fogaato dadka xunxun.

 

Dream is a strong warning to a woman who you think is honest but who hates you.

On the other hand, you are urged to strive hard and avoid bad people.

 

Riyada galmada halkan ka daawo

 

Exit mobile version