Site icon Daruur درور

Riyada Nabi Daawuud (CS) oo shaqaysanaya

Su’aasha:

ALLAH MAHADLEH
ASC WAAD KU MAHADSAN TIHIIN WAQTIGIINA QAALIGA AH EED NA SIISEEN ALLAH MACAK

WAXAAN KU RIYOODAY ANOO LA ILEEYAHAY NINKAASI WAA NABI DAAUUD OO XOOGSANAYA LACAG XALAALA OO MURUGIISA MAALAYA
WAXUU ILAAHAY KA ARSAAQAY DHULKA OO UU HODAN KU NOQDAY WALIBA MEEL CIDLO AH
OO UU NOQDAY MAALQABEEN
ALLAH MAHADLEH.

Riyada Nabi Daawuud (CS) oo shaqaysanaya
Riyada Nabi Daawuud (CS) oo shaqaysanaya

Jawaabta:

Riyada waa riyo xambaarsan macaani badan waxaa ka mid ah inaad heli doonto xukun iyo mulki ballaaran siduu Alle u siiyay nabi Daawuud, sidoo kale inaad noqon doonto qof shaqaysanaya oo shaqo ku gaaraya xukunkaas aad heli doonto, waxaa kaloo riyada laga fahmayaa inaad ka adkaan doonto qof kaste kaa hor imaanaya  riyada waa riyo bishaaro ah, guud ahaan riyada anbiyada waa riyo aad u fiican marka xaalad fiican lagu arko.

Exit mobile version