Walaal waxaan ku riyoodey aniga oo jid kaligey socda kadib aan guri hormaraayo gurigaa waxaa fadhiso naag diracwadato balse dirici kor uqaadey oo iyada ceebteeda la arkaayo markaan soo hormaray aan soo dhaafey weey isoo daba gashey oo waa ay isoo bursatey iyada iyo dhalin yaro badan lkn waan kasoo fukadey markaa maskaxdeyda waxa ay iisheegeysey aan uga cararaayey gabadhaas In ay cudur qabto
marka riyadaa iifasira walaal.
Jawaabta:
Riyada waa digniin lagaaga digayo inaad halis gali karto sida sinada ama xumaanta kale oo sinada u dhow, naagta oo diraca kor u qaadday oo kusoo ceyrsanayso waa naag rabta inay xumaan kugu riddo, waliba xumaantaas waxay kuu keenaysaa dhibaato adduun iyo cadaab aakhiro, marka iska ilaali inaad ku dhacdo gabar inaad sheeko oo aad la gasho iyo inaad meel u raacdo ama aad guri kula kali noqoto.
Riyada waa digniin.