Asc waaku salaamay wll waxaan ku weydiin xaley ayaan ku riyooday anoo joogo meel cunto lagu cunaayo ma kala saari kari inay maqaayad ahayd iyo inay meel kale ahayd waxaana sameeyey hilbo cuntada saarnaa inaa bac ku xirto ka dib markaan hilibkii afka galiyey xalwiyaad ayuu isku badalay riyadaas maxay la macno tahay?
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaari doonto waxa aad rabtay waliba wuxuu noqon doonaa sidaad filaysay si ka fiican, waxaas waa wax fiican shaqo ama guur ama hanti si kaste ha ahaatee waa riyo bishaaro ah oo tilmaamayso amuuraha inay kuu sahlanaan doonaan, riyada cunatada guud ahaan waa khayr iyo wanaag laakin marka cuntada ay isu rogayso siiba hilibka wax macaan oo xalwo oo kale ah waa arrin aad u fiican.