Waxaan ku riyooday anigoo ku dhex jira wabiga biyihiisa oo dhexda ii joog joogaan hadana aan ka bixi karin markii dambo isla riyada dhexdeeda Ilaahey ayaa iga bixiyey biyihii aanku habqanaayey markaasaan ayaa riyada dhexdeeda ku dhahay Alx, kaaga sii daran riyadan waxaan ku riyooday xilli duhur ah wax yar oo indhaha is galiyay ayaan ku riyooday si deg deg haleygu faisro walaalyaal.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka badbaadi doonto arrin ama xiriir ama qof dhibaato iyo mashaakil wata, webiga marka lagu habqanayo waa astaan dhibaato iyo rafaad laakin sida riyada laga fahmayo waad ka badbaadi doontaa, sidoo kale nolol cusub ayaad gali doontaa ama waad ka tagi doontaa meesha aad joogto meel kale ayaad aadi doontaa, waad dhoofaysaa ama waad ka guuraysaa meesha aad ku nooshay, guud ahaan riyada waxay tilmaamaysaa isbadal kula soo gudboonaan doono laakin wuxuu noqonayaa mid wanaagsan haddii Alle idmo.