Site icon Daruur درور

Riyada kaadida qaabka biyaha shahwada leh

Su’aasha:

Waxaan ku riyooday anoo kaadinaayo hadana kaadideydu waxay u egtahay biyaha shahwada oo kale, hadaan soo kacayna wax iga yimid majirin oo riyo oo kale ayay ahayd arintaas maxaa lagu fasiraa walaal.

Riyada kaadida qaabka biyaha shahwada leh
Riyada kaadida qaabka biyaha shahwada leh

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa in aad ilmo dhali doonto ilmo badan, kaadida guud ahaan waa ilmo, taas hadda waxaa sugaya sida aad sheegtay kaadidaada oo u eg biyaha shahwada taas way xoojinaysaa.

Marka riyada waxay u badan tahay haddii aad tahay doob naag ayaad guursanaysaa ilmo badan ayaad dhalaysaa haddii aad tahay xaasle naagtaada ilmo badan ayay kuu dhali doontaa ama ilmahaaga farac badan ayay yeelan doonaan.

Exit mobile version