Riyada ilmo yar oo gaari ka dhacay

Su’aasha:

Asc walaalyaal waxaan xaley ku riyooday anigoo Ilmo yar uu walaalkey dhalay aan xambaarsanahay ka dibna aniga iyo walaalkey waxaan raacnay gaari marka anigii waxaan sameeyey in ilmihii yaraa aan dusha u saaro mid ka mida dadkii gaariga dhinac ka heystay ee aan kursiga saarneen anigana waxaanba iska koray kursiga walaalkeyna wuu i ak fadhiyaa markii dambo ninkii cunug aan dusha u saaray ayaa dhulka kaga dhacay gaarigiina wuu socdaa anigana naxdin ayaan ka qaaday. Marka riyadaas maxaa lagu fasiri karaa wll.

Riyada ilmo yar oo gaari ka dhacay
Riyada ilmo yar oo gaari ka dhacay

Jawaabta:

Riyadan waa digniin waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof aan ku dadaalin wixii laga rabay inuu ku dadaalo, cunuga yar waa astaan tilmaan u ah wax aad mas’uul ka tahay soo dhicidda uu kasoo dhacay gaariga adaa sabab u ahaa, waayo qof kale ayaad u dhiibtay oo aan u taagnayn booska aad taagan tahay, marka waxaa lagaaga baahan yahay inaad dib isugu noqoto oo aad ku dadaasho waajibaadka kaa saaran familkaaga, sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa dhibaatooyin bulsheed kula soo gudboonaanaya ama dhibaato dhaqaale ama haddii qof aad guursan rabtay guurkaaga luuq ayaa halayaa, waxaa laga yaabaa inay idin dhex maraan adiga iyo gabar aad rabto inaad mustaqbal la yeelato ama xaaskaaga inaad iksu xumaataan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More