Site icon Daruur درور

Riyada ilmo qurux badan iyo suuqa khudaarta

Su’aasha:

Asc wll waxn ku riyodey riyo Sidan u dhaceysa aniga oo rer isleyneyno kadib an kaso baxsadey waxn u mid walashey waxn wadnay wiilyar iyo inan yar aad u qurux badan dhar quruxbadan wata ilmihi yara ban xanbarey wilkii ila qiyas 5 jir bu aha waxn laha ilmaha hooyadood wey dhimtey ,bishi mar iyagu ha heystan badhka klena anigu an heysano mey dayna wan so socney wax so dhex Marney suuq khudarta lagu iibiyo waxn agmarayey tukan khudar kaliya haya waxa wax ka iibsanayey nin muusbuu marks eeg eegayey ninka leh tukankuna wuu weysweysanayey waxa tukanka ka buuxey muuse iyo xabxab cagaran oo bisil marka cabar so socney ayan ka lumay waxn lasocdey islan iyo dadka kle waxy aheyd madow kadib islantiba igu tidhi inanta isasi Raca isu xafada tihin wn isaso racney wado an garanayo ayan mareyney waxy aheyd mugdi xooga waxn laha maxa mesha iso mariyey wa mugdi kadib qof nina anan Arkeyn aya igu yidhi hadii ad salada ad tukan laheyd waxay ahan laheyd iftiiin kadib meshi aya Marney waxa ka hadhadlayey rag anan Arkey mesha mugdi aheyd waxn ku dhafney tawakaltu calalah xasbunalah ayan laha kadib waxn utagney walalahey iyo labadi ubada wilkie iyo inanti yareyd waxy fadhiya n meel WADA ileysa kuras talo waxa fadhiyey dad waxn heysatey basto dhadher meshan ku cunayey marka walashey weydiyey meshan maku cuna mise gabdhkle mesha basto ku cunayey waxn kle mesha lagu karinayey cunto waxa karinayey dumar xijaban dharyo ama dusuud ama ama digsi waweyn waxlagu karinayey waxn arkayey cad lakariyey aaad u bisil iyo beed lakariyey waxkle oo agyaley cambe bisil wll ifasira idinko mahadsan

Riyada ilmo qurux badan iyo suuqa khudaarta
Riyada ilmo qurux badan iyo suuqa khudaarta

Jawaabta:

Riyada macne weyn ayay wadataa, marka hore waxaa lagugu boorrinayaa inaad diinta ku dadaasho oo aad badsato salaadda iyo quraanka noloshaada waxay u baahan tahay inaad ku dhaqanto diinta Ilaahay si aad uga badbaaddo sharta iyo xumaanta nolosha qofka uu kala kulmayo.

Waxaa kaloo riyada ku sugan barwaaqo inaad heli doonto ama aad guursan doonto nin hanti leh oo aad ka hali karto wixii aad u baahan tahay.

Guud ahaan riyada waa riyo aad u wanaagsan oo xambaarsan waano iyo khayr badan oo la rabo inaad ku dhaqanto waxaana ugu muhimsan salaadda, ku dadaal salaadda.

Exit mobile version