Riyada hooyaday oo qorsheyneysa inay guursato
Su’aasha:
Asc waxaan ku riyooday hooyadey oo qorsheyneysa inay guursato iyo walaashay curada ah oo kasoo horjeeda waxay leedahay Nin kale nama dhex keeni kartid
FG aabahay wuu Nool yahay hooyadey iyo aabahayna makala tagin waligoodna isma furin
Haday riyo xun tahay ha ii fasirin ilaahay haku barakeeye.
Jawaabta:
Riyada waa riyo fiican waxay tilmaamaysaa nolol ka fiican inay gali dooonto hooyadaa iyada iyo aabbahaagaba, sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa ninkeeda inuu yahay nin aad u jecel oo kalsooni buuxda ka dhexaysa noloshooda inay heer wanaagsan gaari doonto, familkana inuu is haysan doono, oo uuna kala tagynin, riyada waa riyo bishaaro ah.